SOOYAALKII JIDKA SODDONLE: Republic of Somali & JSL. Qalinkii Jamal A. Muse

Gorfeynta Jidka Soddonlaha ah Ee Burburiya Hanaanka Dawladnimada Qoomiyadda Soomaalida, 30 Sanno Iyo Burburkii Midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaalida, Dheeliga 27 sanno Jirka ah iyo Siday JSL Uga Gudbi Doonto Jidka Soddonlaha Ah & Saddex Qoddob Oo Laf-dhabar Ah”

• Ugu horreyn, waxaan gundhiga hadalkayga ku bilaabayaa in kala taganaanta iyo dhugasho yaraanta tagtada, taaganta iyo timaadada raadhiiska iyo dheelitirnaanta wadaagga awoodda dawladnimada qoomiyadda Soomaalida ay sabab u tahay fahan daradda amma dhugmo yaraanta nidaamka dawladnimo ee gandoodda maanka Qoomiyadda Soomaalida. Tani ayaa la odhan karaa amma lagu tilmaami karaa hagaasiyaha koowaad ee hortaagan in dadka Soomalida ahi ay helaan siyaasad hufan, hoggaamin toggan, ka hufnaan qabyaaladeed, lahaansho dalnimo, si san u wadaagga awooddaha dawladda iyo qarannimo raandhiiseysan oo nolosha hanaqaadka dawladnimadeedu kor u dhaafto tirsi ka badan 30 sanno.

• Waxaa jira tusaaleyaal badan, balse aynnu falanqeynteenna ku ekayno tagtadii cimrigii dawladnimo ee Jamhuuriyaddii Soomaalida, oo aynnu dheegga u saarno wadaaggeyaasha taaganta 27 sanno jirka ah ee JSL, islamarkaanna qalinku wuxuu suntayaa ibbo-furka raandhiiska dawladnimo iyo tognaanta filashada timaadada saddexda sanno ee kaabbiga innagu haya. Run ahaantii, marka aad u kuur-gasho arrimahan sare ku sheeggan, waxaad arkaysaa in hanaqaadka dawladnimo ee qoomiyadda Soomaalidu soddonle yahay, saaxiibayaal bal aad iila dhugta tagtada taariikhdii dawladnimada Qoomiyadda, waa hubaal in aad ila ogaan doontaan in tirada soddonleydu tahay bar dhammaadka nidaamka dawladnimo ee geyiga Soomaalida.

• Sababtu wax kale maaha ee waa qiirada, qabyaalada iyo qarannimada isku qasan. Waxaana horseed u ah qiiradii 1960-kii dhalatay iyo gobonimadii Soomaalidu heshay oo ka gaabisay abuuridda waddaniyad qiiro ka hufan iyo qoomiyadnimo qabyaalad iyo qabiileysi ka madhan. Dawladnimo raandhiis leh iyo qoomiyad qoomi ah waxaa curyaamiyay dheeliga dawladnimada, haaneedka hashii maandeeq ee curadda ku dhallooyo baxday iyo dhiirigalinta korintii hanaankii qabaliga ahaa oo ilaa maanta jira. Taasi oo aakhirkii midnimadii dawladnimada ku soo ururisay muddo dhan 30 sanno oo ay Jamhuuriyaddii Soomaalidu kaga baxday khariiradda dawladnimada dunida.

• Mar kale, 1991-kii waxaa geyiga Soomaalida ka dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland oo dib u curasho ah. Maadaama oo ay ahayd dal xornimada qaatay 26 June 1960-kii oo lix cisho ka dib 01 July 1960-kii la midoobay Jamhuuriyaddii Soomaalida. Xornimadan ayaa hadda maraysaa 27 sannadood, tiradii soddonleyda ahaydna waxaa uga dhiman 3 sanno oo kaliya, waxaana dalka ka talisa dawlad ka dhalatay xisbigayga Kulmiye oo uu hoggaanka u hayo madaxwayne MBC oo guul gaadhsiintiisa aan wax badan ku lahaa. 27-kaa sanno ee dib u curashada dalnimada Somaliland ay jirtay, waxaa talada dalka la kala wareegay 5 madaxwayne, waana talaabada kaliya ee muujinaysa ka duwanaanshaha Jamhuuriyaddii soomaalida ay muddo 30 sanno ah soo xukumeen kaliya saddex madaxwayne “Labo madaxwayne xukunka dalka la kala wareegeen, halka hal madaxwayne oo afgambi ku qabsaday Jamhuuriyaddii Soomaalidu uu xukunka hayay muddo dhan 21 sanno”.

• Hadaba, waxaa is waydiin mudan ka duwanaanshaha dawladnimo ee JSL ay ka duwan tahay xukun wadaagga dawladnimadii Jamhuuriyaddii Soomaalida ma tahay mid raandhiiska cimrigeeda dawladnimo dhaafi karto jidka soddonlaha ah ee ku suntan burburka dawladnimada Soomaalida?. Sidoo kale waxaa is waydiin mudan, maxay wadaaggaan 27-kaa sanno ee JSL ay ku sugan tahay dib curashada dalnimo iyo 30-kii sanno ee dawladnimaddii Jamhuuriyaddii Soomaalidu hanaqaadka ahayd?. Maxaa la gudboon hoggaanka talada dalka hadda haya ee bud-dhig u noqon kara jaamudinta dawladnimo iyo waddaniyad dalnimo oo dhiigga hal mar wadda dhaqaajisa dadka ku dhaqan geyiga u dhexeeya Lawyacaddo ilaa Ceelaayo?.

• Hubaashii, waxaan si gardaadeysan ugu lafo-gurayaa qormadan in yar oo dal dhis ah oo xeerin iyo xurmeyn qaran huwan. Sidaa awgeed, dib u curashada qarannimada JSL oo maanta sii cagocageynaysa ku dhawaad 27 sannno. Nasiib darro weli kumay guulaysan hirgalinta waddaniyad sinta niyadda dadka ku dhaqan Lawyacaddo ilaa Ceelaayo oo may yagleelin in ay si u wadda arkaan lahaanshaha dalnimo iyo wadaagga awooddaha dawladnimo ee qaranka. Dabcan, qayb wayn oo ka mid ah dadka JSL, markaad hoos u dhugato dareenka waddaniyadda iyo aragtidooda dalnimada JSL, Waxaad dareemaysaa in maankooda ay ku duuggan tahay qiiro waddaniyadeed amma lahaansho dalnimo oo ka saraysa dareenka waddaniyadeed ee qaybo ka mid dadwaynaha ku uuman dalkan. Halka qaybo kale oo u badan bulshada ku dhaqan darafyada dalka ay maankooda gandooddo waddaniyad heer hooseysa, qoolaaliga dheeli wadaagga dawladnimada iyo dhegaysiga is baacsiga siyaasiyiinta dhextaalka ah.

• Halkaa waxaa ka cad in 27-kii sanno ee dib u curashada qaranka JSL jirtay aan marnaba la hirgalin waddaniyad sinta maanka dadka ilaahay ku wadda uumay Lawyacaddo ilaa Ceelaayo. Hadaan barbar-dhigo 30-kii sanno ee ay jirtay Jamhuuriyaddii soomaalidu, waxaa lagu guulaystay hirgalinta waddaniyad qoomi ah oo la odhan jiray midnimada Soomaali wayn “Pan Somalism”. Hadana iyada oo sidaasi ah waxay raandhiiskii dawladnimo dhaafi kari wayday muddo ku siman 30 sanno. Waayo, waxay ahayd waddaniyad qiiro iyo laab la kac ah. Waa muhiim in khaladaadkii soo gaabiyay midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaalidu uu JSL u noqdaa cashar lama huraan ah oo hoggaaminteeda dalnimo ka baydhaa jidkaa shalayto lagu jabay, si loo waariyo cimriga iyo raandhiiska togan ee dalnimada JSL.

• Waxaa hubaaal ah in qiiro iyo guul gaadhid waartaa ay yihiin labo shay oo an marnaba is qaban karahayn, bal ka warrama Somaliland oo 27 sanno hirgalin kari wayday yagleelidda waddaniyad baahsan, lahaansho dalnimo iyo dheelitir dawladnimo sida raandhiiskeeda dawladnimo uga badbaadi karo tiradda soddonlaha ah?. Waa hawl wayn oo hortaalla madaxwayne MBC, oo an madaxtinimadiisa ugu halgamay inuu unko Somaliland dheelitiran iyo in la helo Somaliland saddex sanno kaga gedisnaata 27-kii sanno ee dheeliga iyo kala maanka lagu jiray.

• Hadaba, si loo dhidbo jaamudinta lahaanshaha dalnimada, raandhiiska dawladnimada iyo waddaniyad baahsan oo ka gudubta jidka siraad ee la hadhaaga hanaanka dawladnimada qoomiyadda Soomaalida oo ah tiradda soddonleyda ah, waa in la helaa hirgalinta hanaan iyo siyaasad ka duwan hirdanka habar habarta oo ah cunsurka soo gaabiya si-san u wadaagga hasha maandeeq iyo qoolaaliga ka qayb-galka siyaasadda bulshada darafyada dalka oo ah curiyaha ugu wayn ee hagaya naafeynta iyo dareenkii lahaanshaha dalnimada. Si kastaba ha ahaatee, haddii saddex qoddob degdeg loo helo waa laga gudbi karaa jidka soddonlaha ah:
1. Hoggaaminta madaxwayne MBC oo runta u sheegta hirdanka habar habarta, oo diiradda saarta sameynta Somaliland kon iyo kon uu ku sargo’an yahay wadaagga dawladnimo.

2. Yeelashada garaad iyo garawshiyo ah in 27 sanno lagu jiray dheeli wadaag dawladnimo iyo lahaansho dalnimo oo bulshada darafyada iyo in kaloo badaniba ay ku daaleen qoollaalinta sed-bursiga iyo qori isku dhiibka haybta. Loona baahan in saddexda sanno ee ka dhiman tirada soddonlaha ah la unko Somaliland kon iyo kon ay ku dhisan yahay awood wadaaggeeda dawladnimo.

3. Hoos u dhigidda qiirada waddaniyadda iyo hanaanka qabaliga ah ee ku millan siyaasadda, islamarkaanna la xoojiyaa taariikhda dalka oo laga soo bilaabaa qarnigii 15-aad “Cahdigii Axmed Guray”, la soo mariyaa halgankii Daraawiishta oo lagu xidhaa halgankii dib u xoreynta SNM, nabadeyntii, dimuqraadiyadeyntii, horumarintii iyo dheelitirkii qarannimada.

• Ugu danbeyntii, 27-kan sanno ee lagu jiray dib u curashada qarannimada Jamhuuriyadda Somalinad iyo 30 -kii sanno ee ay jirtay midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaalidu waxay ka siman yihiin dheelitir la’aanta wadaagga dawladnimada, qiirada siyaasadda, tabashada iyo saluugga saamiga, qabyaaladda siyaasadda ku millan iwm. Sidoo kale, waxay ku kala duwan yihiin hirgalinta waddaniyad baahsan, wayneynta qaddiyadda qoomiga ah, kala gedisnaanta waddaniyadda, nidaamka madaxtinimada dalka iyo saameynta dawladnimada. Midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed “Republic of Somali” waxay ku khaatumeysatay 30 sanno, halka Jamhuuriyadda Somaliland oo dib u curashadeedu marayso 27 sanno la sugayo sida ay uga badbaado jidka soddonlaha ah. Mudane madaxwayne waad awoodi kartaaye fadlan dalka u dhaqaaji jiho ka duwan tii la soo hayay 27-ka sano oo samee mustaqbalka dhaw Somaliland ku dhisan 50/50%. Dabcan, warinta qormadani maaha dhalliil ay leedahay dawladda aan taageersan nahay ee xisbiga Kulmiye ee uu madaxwaynaha ka yahay MBC, se waa tilmaamid iyo hoga-tusaaleyn khalad soo taxnaa 27 sanno, balse uu sixi karo madaxwayne MBC.

Balanteennu waa Somaliland ku dhisan 50/50%

Jamal A. Muse

Hargeysa, Somaliland

Jamalabdiya@gmail.com/hirdandheer@gmail.com